Thursday, April 10, 2008


XASAN SHEEKH MUUMIN IYO MAALMAHA SOOMAALIYEED - (Qaybta 2aad).

Halkaa markii uu marayay ayaa odeygii Xasan Sheekh Muumin aad u qirooday, markaas ayuu isaga oo ku leexaysanaya ku dhuuftay heestii la magac-baxday ‘Waanada Macallinka’ ee Maxamed Mooge Liibaan sida la yaabka leh ugu luuqeeyo. Xasan ayaa noo bilaabay annaguna inta aanu is-illownay ayaanu ku darnay. Been idiin sheegi maayo e’, markaan rikoodhkii aan ku duubay ka qorayay anigii ayaa luuqdayadii ka yaabay. Xasan wuxu yidhi:

“Waxan nahay wahdiga dugsiyadaa,
Waxan nahay waanada Macallinkaa,
Waagii beryaba,
Ubax laga waraabshoo,
Waxaan ku werweraynaa,
Waddankiinna wax u barta,
Oo xanbaara waajibkiisa,

Wahsan meynno,
Ka waaban meynno,
War-wareegi meynnoo,
Weec-weecan meynnee,

Guul wacan,
Cadow ka waabto,
Nolol wanaagsan iyo barwaaqo,
Nabad lagu wadaago,
Ha ku waaro waddankeennu,

Waddankeennu waa,
Wadnihii jidhkeenna,
Waraabinaayay dhiiggoo,
Waan ku wardiyaynaa,

Xasan Sheekh Muumin wuxu intaa ku daray: “Ilaa Dugsiyada Dhexe ilaa kuwa sare taa ayaa barbaarinaysa. Waxa hadhay heestii kale ee Macallinka ee ahayd: Macallinku waa

‘Macallinku waa, macallinku waa,
Maskaxdii dunidoo malaasan,
Mowjadaheeda,
Kala miirtay ee macnaysay,
Maadhkii qarsoonaa,
Waa misbaaxii,
Kaahiisu u miciinee,
Mugdigii ka meydhay,
Murtida dhuux aqoontiisa baro,
Lagama maarmee,
Ha moogaanin taariikhda,

Weli gaaxdii Xasan Sheekh Muumin ayaynu maalaynaa. Waa 3/5/2000, maalin aanu la fadhiisannay gurigiisa Boorame. Xertii aanu wada soconnay waxaan ka sii xusuustaa ee maalintaa nala fadhiday: Maxamed Cismaan Fadal, Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Daahir Maxamed Xaddi. Ragga odeyga u jiibinayay kooxdaa ruug-caddaga ah ayay ahaayeen.

Xasan Sheekh Muumin wuxu intaa ku daray: “Dadkii u soo noqo xubnihiisii:

‘Habeen iyo dharaar,
Hadalladaan dhisnaa,
Afkeenna hooyo oo,
Horumaraan ku hamminaa,
Hoggaaminnaa,
Had iyo jeer habnaa,
Oo waan hagaajinnaa,
Ma hagrannee,
Waan u hawl-gallaa,

Murtidaan hubinnaa,
Kala hufnaa,
Haqab-tirnaa,
U hedlannaa,

Dadweynahaan hanuunninaa,
Haasaawinnaa,
Dantaw hagnaa,

Buraanbur iyo hees,
Heello iyo ciyaar,
Gabayo haybad iyo,
Hadhaale baanu hindisnaa,

Walaalahaayagiiyow,
Waan idin la haynaa,
Is-hurina meynnee,
Halkan waxad u timaaddeen,
Aan hagar lahayn baad,
Caawa naga helaysaan,

Halkaa markii xaal marayay ayaan Xasan Sheekh Muumin weydiiyay alxaanta in uu isagu leeyahay iyo in kale, waxaanu iigu jawaabay: “Jaan-gooyada ayaan anigu leeyahay oo ku salaysan Soomaali, mana gaboobaan. ‘Base-kii’ ciyaaraheennii hore ayay ku salaysan yihiin. Dee tan Laalays waxay ku salaysan tahay: Waa la yaab, la yaab la yaab.”

Xasan Sheekh Muumin wuxu dib ugu laabtay dareerinta heestii uu waday, waxaanu yidhi:

“Taariikhda hiddahaan,
Habaaska ka tirnaa,
Hannaankii aan ku soo dhaqmaynay,
Baan hurinnaa,
Hurdadaan habeenno,
Aan ka haayirnaa,
Naftayadaan hurraa,
Ma hagrannee,
Waan u hawl-gallaa,

Haddii uu intaa nooga mariyay heestaa aan dugoobin ee ilaa maanta la qaado, masraxyadana lagu furo wuxu galay in uu waxoogaa ka muddaakaroodo dabeecadda waxaanu yidhi: “Dabeecaddu waxay inagu keentay calaacal, is-ciil-kaambi, caraatan, cay, canaan, cago-juglayn, cadaadis, ceebayn, canbaarayn, ……….waxan oo dhan ayay inagu abuurtay oo badan oo soconaya. Markaa waxaad ku garanaysaa jaan-gooyadayda beydka hore hadduu calaacalkii keeno, ka labaad ‘Justification-kii’ ayuu keenayaa, ka saddexaadna xalkii ayuu keenayaa. Waxa ku jiray bahashaa:

“Gobannimo xalaaloo,
Xaaskeeda korisoo,
Xaqa dhinaca saartoo,
Loo xiiso weyn yahay,
Xil-dhibeen hoggaansha,
Xoghayeenno daacad ah,
Kuwa xeerka fuliyee,’
Xubnaheeda maammula,
Iyo xididdaday ka negidahay,

Derejo aan la kala xigin,
Ninka loo xilsaaree,
Xaslan waayay hawshii,
Dadka looga soo xulay,
Heer lagu xujoobiyo,
Inta anu xumaan gelin,
Waa in uu xusuustoo,
Inta aan la xaakimin,
Xisaabta iska dhiibaa,”

Faallo kooban Xasan wuxu heestan uga dhigay: “Xididdadu waa dadweynaha. Haddii uu geedku bukoodo, uu midho bixin waayo oo caleeni ka iman weydo ma laamahaad daweyn?”

Xasan wuxu intaa ku daray: “Markii nalagu ururiyay Xaruntii Raage Ugaas ee aanu erey-bixinta samaynaynay Xil-dhibaankan ay xalaashadeen ma ahayn. Annagu xil-dhibaan iyo xil-dhibeen ayaanu samaynay. Xil-dhibeen waa ninka xilku dhibo, xil-dhibaanna waa ninka xilka dhiba. Waa ay fiican yihiinoo Xil-dhibaan ayay xalaalaysteen. Kii kale waa ay iska daayeenoo markii ay is-garteen Xil-dhibaan ayay xalaalaysteen. Waanay fiican yihiin aad. ”

Intaa wuxu raacinayaa: “Waxa ku jira qosol-ku-jab ah. Waa Riwaayaddii ‘Duunyadu maskaxday magan u tahay’. Haddaan nala guursanta ayay ku jirtay.

“Jacayl lagu qamaamaa,
Qoto dheer ma yeeshoo,
Qosol-ku-jab buu ku dhammaadaa,”

Xasan wuxu raaciyay: “Waa sheekada ah ‘wuu ila dhacay’ iyo ‘waan la dhacay’ iyo ‘waan kala-dhacnayda xigta.’”

Hinaasaha:

Xasan Sheekh Muumin oo xagga Hinaasaha ka hadlayaana wuxu yidhi:

“Beni-aadamka masiibadiisa oo dhan hinaasaa u saldhig ah. Hinaasuhu haddaba xagguu ka yimid? Hinaase wuxu ka yimid ilmihii Xaawi dhashay ee naaska nuugayay ee ay dhabta iyo bogga ku haysay, kolkii uu mid kale ka daba yimid ee ay kii hore halkan dhigtay ee ay halkii ku kale ku qabatay naaskiina uu isagii nuugay, halkaas ayuu hinaasuhu ka bilaabmay. Hinaasahaas ayuun baa farraarro yeeshay oo kala taraaray oo laamo ka baxeen. Berigaa waxaynu gelaynay aqal caws ah. Aqalkaa cawska ahaa dab baa u kabriid ahaa. Ilmahan yari wixii dhalaalayaba wuu qaadayaa. Aqalka ha ina gubin haddii la yidhaahdo, gubistu khasaaraha ay leedahay ma yaqaanno. Waraabaha ayaan kaga dhuumannaa ma garanayo. Haddii la yidhaahdo roobka iyo dhaxanta ayaan ka gallaa ma garanayo. Isagu muxuu yaqaannaa haddaba, caanihii uu jaqayay ee naaska ee kii yaraa ee danbe ka qaadanayay. Waxa lagu yidhi haddaad dabka qaaddo oo aad ruxdo qaalinta ama ceesaanta laguu lisayo ayaa dhimanaysa. Ilaah ma yaqaan, aabbo ma yaqaan….caanahaas oo keliya ayuu yaqaannaa. Wixii caanaha ka hor joogsanaya ayay xeer uga dhigeen oo ay yidhaahdeen waa ay kaa dhiman.

Biyaha waxaynu ku shuban jirnay: kalax iyo qarbad iyo….wuxu ilmihii arkay kalax ama xeedho biyo ku jiraan. Is-na in uu biyo leeyahay ayuu og yahay. Isku dar labada oo kaadi ayuu is-odhanayaa. Ha nijaaseyn ma garanayo dee. Way wasakhoobi ma garanayo. Waxa xeer looga dhigay haddaad kaadida biyaha ku darto, hooyadaa baa shinbiro caar caar leh dhali. Markaa qofkii ayuu diiddanaaye, bal shinbiro caar caar leh ka warran. Markaa haddana waxay ugu dareen markuu saddex jir gaadhay ee uu aakhiro bartay: Habeen aakhiraa kala sooc lagu odhan. Kor ayay ugu yar qaadeen. Waa markii uu ogaaday in aanay hooyo shinbiro caar caarl leh dhalayn.

Neefka yar wuu ku ciyaarayaa wuu buquujinayaa. Ilmihii yaraa ee ay hooyadii dhashay wuu ku ciyaarayaa wuu buquujinayaa. Waxa loo dhigay haddaad ilmaha yar bakhtiiso ama neefta ku dhejiso aabbahaa ayaa habeen aakhiro dhiigga lagu laba-celin. Kolkaa aabbo wuu gartay iyo qiimaha uu leeyahay.

Way socotay waxaanay gaadhay doobkii iyo gashaantidii. Doobkii baa lagu yidhi haddaad gabadh taabato geel lisi meysid. Adiga oo gabadh taabtay haddaad geelaagaa candhadiisa taabato wuu beelayaa. Qudunquutoy ku quuso baa taal haddana. Weysha gawrac dibigu ha ku quustee. Dhaqan-dhaqaalahoodii ayay xeeraka saldhig uga dhigeen. Xeer marka loo baahdo laynkaas ayaa ugu qaalisanaa.”

Gaaraa-bidhaan:

Xasan Sheekh Muumin, wuxu Gaaraa-bidhaan ka yidhi:

“Waa sidaa oo marna Gobannimo ayaa albaabkeennii garaacaysa oo waa taan idhi:

‘Gobannimadu ma aha,
Geed midho leh oo,
Fadhi lagu gurtee,
Dhiigga geesigaa,
Gunta laga waraabshaa,

Gobannimooy waxaad guddiyo,
Waxaad gashoba garannay oo ruugnay,’

Toddobadaa ku soo dhammaaday Gobannimooy na saamax, waan kuu gefnee na saamax. Wuxu waa inantii xorriyadda. Markaa inantan Gaaraa-bidhaan, waxay baratay afka faransiiska. Gaaraa-bidhaan waxaan uga gol leeyahay, Riwaayadda ayaa u samaysan afar qaybood. Waa geed afar laamood oo lababa dhan ku yaallaan leh. Camuudku (tiirku) waa qisada. Laan baa ka baxday u horraysa oo tacliintii, barbaarinteedii iyo siday u baab’aday. Dhulkii iyo dhaqankii baaba’ooda oo iyaduna garab socota. Waxa garab socda haweenka iyo xuquuqdoodii. Maamulkii Dawladda oo is-na jid gooniya ah. Markaa Gaaraa-bidhaanku waa kan hadba meel ka iftiima ee hadba meel bidh ka yidhaahda……….Markaa sheekadu marka ay bilaabanto ee ay in yar socoto, waa ay boodaysaa oo kii kale ayay tooshka kuugu qabanaysaa. Kii ku xigay ayay haddana kuugu qabanaysaa. Waa ay boodaysaa ka dhexda ayay kuugu qabanaysaa haddana.

Markaa inantu waa mid dhowrsan oo aan abidkeed saqajaan baran. Waxay Doktooraaga (Digriiga) ku haysataa Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga. Kolkaa Riwaayaddu waxa alle yaale waxa mushkilad jooga ma nabad gelinayso midnaba. Waxaan anigu u kala qayb-qaybiyay mushkiladaha dalka ka jira ayay isku dhafayaan. Anigu midba laynkeeda ayaan u deynayaa tan weynina ha daaddahayso ayaan leeyahay ee u daa oo kolba ka kufa gacanta ha qabato weeyaan. Markaa inantii dhowr iyo soddon ayay noqotay. Soomaaliya ayay timid oo wax ka dhigtaa. Jaamicadi ma jirtee Dugsi Sare ayay macallimad ka tahay. Calaacal ayay bilowday. Ku ye:

‘Haddaan kuu heli lahaa,
Haatuf kuu warrama,
Halaanhal murtiya,
Hirkaan ka abbaaro,
Haasaawe iyo maah-maah,
Hadduu hiddeheennu leeyahay,
Higgaad u dhigan,
had iyo jeer,
Boosta xaashaad ka heli lahayd,
Kuma hilmaamine,
Af-soomaaligaa I hagraday,

Afkaagoo hodan ah,
Oo hoodo leh oo aan ku gabin,
Halleeyoo qaado mid aan,
Hooyadaa ku barin,
In ay hodaddaamo tahay,
Haatanaan hubaa,
Hees hadoodilan,
Sarbeeb hoga-tus loo irkaday,
Hadallo kaloo lagu tarjumay,
Kaa ma haqab-tiraan,

Hindise lagu doonayo,
Oo had iyo jeer la wado,
Haloosi gargaaray,
Haro-diidku waa habaar,
Ee dantaad u hilowdo,
Waa daw in lagu hirtaa,’

Dawladdii ayay fuushan tahay oo ku leedahay maa Af-soomaaliga la qoro. Bahalkii bay xidhatay. Waagii baa u baryay. Markaasay tidhi boostaba waxa ugu horreeyee lagu rido maad ka dhigtid. Cajaladdii bay kiish ku ridatay iyada oo ninkii u ducaynaysa. Waa tii mar qalinkiiba la iska daayay ee naag waliba hebelow kaalay waraaq ii qortii ay cajalad uun qol la gelaysay. Faa’iido badan baa laga helay. Markaa waxay soo gashay boostii oo aan loo soo shaqo teginba. Albaabkii ay furtay ee ay tidhi iga iibi tigidhka, ayuu Xaajigiina soo galay ninka adeerkii ahaa oo doonayay in uu tilifoon ku hadlaa. Haye Xaaji dee waa la is-yaqaannaaye. Iyo Xaajigii oo leh: ‘Dee wallaahi diyaaraddii ayaan ku soo daaloo Alitalia ayaan immika ka imid. Toddobada ayay dayuuraddu soo fadhiisataa ma og tahay? Laba iyo saddex habeen oo ka horreeyayna ma seexannoo aroos baanu ku dhafarray ama ku soo jeednayba. Waan daallanahaye weynu isku warrami doonnaa.’

‘Dee bal waa yahaye Hirad iiga warran?’ Ku ye odeygiina: ‘Waxa na wareeriyayba waa isaga iyo arooskiisii. Maskaxdeedu ma yeelayso aroos buu galay. Markaasay tidhi ma ninkii Dogtooraa baan laba sano ku soo qaadayaa lahaa ayaa aroosyo ka ciyaarayay. Markaasu yidhi maya e’ isagaa guursaday. Markaasay tidhi: ‘Caku ballan-darro iyo badow.’ Markaasuu yidhi naa isagaa guursaday tu yar oo 17 jir ah oo Talyaaniya. Reer abtigeed waa Ingiriis. Reer awowgeedna waa Jarmal. Halkii ayay ku engegtay. Isna teg, cajaladdiina boorsada ayay ugu jirtaa. Magaaladii ay xaggaa uga bax tidhi ayay xaggaa Deyniile uga baxday. Duur ayay tagtay. Way fadhiisatay. Hadhkii ay fadhiisataa cadceed ku noqday. Kama kacayso. Habeenkii baa ugu galay. Reer jebel jaan oo duurka dawaafaya ayaa ugu yimid. Way ku qosleen. Waa inoo naag. Halkaa waxa ka abuurmay naa mushkiladdaada noo sheeg annagaa ku daweyneynee. Khamri ayay siiyeen. Doroog ayay siiyeen. Aqalkeedii ku may noqon.”

Dhidar Yaab-arag:

Sidii Gaaraa-bidhaanka ayaa Xasan Sheekh Muumin qudhiisu hadba meel ka bidhaamayaye, isaga oo sheekadii Riwaayaddiisa noo waday ayuun buu xaggan noola leexday iyo Dhidar Yaab-arag, ku ye: “Beryihii Ingiriisku caaqillada samaynayay ayaa loo yeedhay Didar Yaab-arag. Caaqil noqo ayaa la yidhi, markaasuu yidhi caaqilku waa maxay. Waxa loogu jawaabay lacag baad qaadannoo reerkaaga ayaad iska joogi. Awalba reerkayga waan u talin jiray ayuu yidhi. Markaasaa la yidhi mayee qaado, cidina waxba kuu raaci meysee. Markaa shan sannadood ayaa bil walba tobanka rubbood ee la siiyo maro ku guntaa oli ku ridaa. Lixdan guntinood iyada oo ay oligii ku jiraan ayaa la yidhi cashuurtii baa la soo rogayaa. Waan ka hadlaynaa baa la yidhi. Dhidar Yaab-aragna dadkii ka hadlayay ayuu galay oo xaggii dadweynaha ayuu ka soo jeestay. Adigu dawladda ayaad tahaye xaggan soo gal baa la yidhi, caaqil baad tahay oo mushahaaro ayaad qaadataaye. Faraskii ayuun buu qabsaday oo I suga ayuu yidhi. Oligii ayuu soo qaaday. Lixdankii guntinood ayuu ku yidhi Ingiriiskii tirsada. Dhidar Yaab-arag kaas ayuu ahaa. Markaa isaga iyo Rooble Af-deyl iyo rag badan oo aan Idaacadda ka sii daayay ayaa laga muraara-dillaacay.”

Xasan Sheekh Muumin ayaa geeddi kale raraya sheekadii taxanaha ahayd ee uu inoo waday, meel kale ayuu ka hillaacayaa. Bal ka warrama haddii uu isagii Gaaraa-bidhaan inagu noqday. Wuxu yidhi: “Waxa aniga ii garab socda wax wal oo aan qabanayaba halgankii haweenka oo aan leeyahay waar waan garab la’nahay. Waxa jirta sheeko hore oo aynu soo gaadhnay carruurnimadii oo ahayd: ‘Shinbir garab-li’I, wax ma garatee, casoowaha gura.’ Mar haddaan haweenka ka tagno waxaynu nahay ummad dhinac la’. Casoowe waa kuul yar oo cas-cas oo dumarku xidhan jireen. Dhinac baa ina bakhtiisan. Laba is-jiidanaysa ayaynu nahay. Geesta kale saldhiggii aan ka abuurannay ee mushkiladda inagu dhalay waa: ‘Nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha.’ Qoyskuna waa halkii Qaranku ka bilaabmayay. Ninkii iyo naagtii oo midba ka kale iska giiji leeyahay oo is-jiidanaya, xaggee hore looga mari. Qoyskii marka uu sidaa yahay, Qabiilkii wuu is-haystaa…..Qarankiina wuu is-haystaa. Markaa maxaa kale ee yaallay? Haddaan maah-maahda kale ee ag taallay qaadan lahayn: ‘Haani gunta ayay ka tolantaa,’ ‘Ragna waa geed-sare waab.’ Haddaan taa qaadan lahayn. Ku noqo sannadihii 1500 Nebi-ammaankii haweenku bisha ramadaan qaadi jireen ee aynu soo gaadhnay ee ragguna xaadiska dhegaysan jiray, iyaguna intay meel isugu tagaan Nebi-ammaanka tuman jireen, maxaa ku jiray, waa arji ay Ilaahay u qoranayeen::

“Bilista Allaheeda,
Alla roonaheeda,
Reer-siiyaheeda,
Raaxeeyaheeda,
Aqalkay dhiseeneey,
Dhigaha u asleeneey,
Dhii-dhiibiyeen baa,
Galab laga dhaqaajay,

Bilista Allaheeda,
Alla roonaheeda,
Reer-siiyaheeda,
Raaxeeyaheeda,
Ubadkay dhaleeney,
Naaskaw dhigeeney,
Dhixirkaw xidheeney,
Wada dhiibiyeen baa,
Galab laga dhaqaajay,

Bilista Allaheeda,
Alla roonaheeda,
Reer-siiyaheeda,
Raaxeeyaheeda,
Adhigay dahqeeney,
Maqasha u dhigeeney,
Dhiisha u culeen baa,
Galab laga dhaqaajay,”

Xasan tuducyadan wuxu ku khatimay: “Naa inankay ii dhig oo iga bax.”

Xasan Sheekh Muumin oo hadalkiisii sii watay wuxu yidhi: “Waxa jirta mid Diimahaba ka horreysay oo odhanaysa:

‘Warramay warramay,
Warkay kebed kebed,
Kebed Awr baa leh,
Awr naagaa leh,
Naago rag baa leh,
Rag gawtaa leh,
Gawte gadh baa leh,
Gadh aboor baa leh,
Aboor jinac baa leh,
Jinac jiir baa leh,
Jiir wali baa leh,
Wali leeb baa leh,
Leeb qaansaa leh,
Qaanso geed baa leh,
Geed buur baa leh,
Buur bannaan baa leh,
Bannaan ciid baa leh,
Noloshii baabbah.’

Waa giraan isku soo noqonaysa e’ ma og tahay. “

Intaasi waa Xasan Sheekh Muumin 3/5/2000 waxaan ka duubay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan.

DHAMMAAD.
QALINKII: Boobe Yuusuf Ducaale.
E-mail: cankaabo@hotmail.com



Wednesday, March 26, 2008

Waxay diidayeen shalay bay nagu dayaan maanta!

Waxay diidayeen shalay bay nagu dayaan maanta By Cabdale Farah Sigad


(Updated:-(Tue.25.March..2008)

Maansadan waxa layidhaa duco waxayna u kala baxdaa “ARAAR” iyo “TILMAAN DULMI” iyo “DUCO”
Waana maanso illahay "SWT" aan kaga baryayo in uu dadka soomaliland simo.
Waxana weeyaan maanso uu ka nixi doono qof kasta oo jecel dulmiga jiraayi in uu sii jiro. Qofkase jecel iin ay simaan qabiilada iyo dadka ku nool Somaliland waxa hubaal ah in uu AAMIIN xaga dambe kaga dari doono.
Waana tan maansadii duco
“ARAAR”
Dadkaygoow dareen baa igalay diidmo iyo doode
Mar aan xalay darmada jiifay baa la igu soo dagaye
Daranyada galbeed taala baa la idul keenaye
Waxbaa daaqad ii furay oo daawo igu yidhiye
Diirada markaan saaray een daan waliba eegay
Daranyada kamuu qatay galbeed indhu waabay daaleene
Markaasaan dayaankii la kacay doodo iyo gabaye
Dadku inay xoroobaan ayaan daayin waydiistay
Anigoo dareenkaygu kacay xumana diidaaya
Dirirtii badnayd iyo dakhardaan gaystay
Anigoo ducaysani maansadaan daayin ku baryaayay
Aan idin dul keenee dhagaha sii daysta
Ninki daalin ihina marlay waa damqanayaaye
Qalbigana u sii daaya waa duciyo aamiine
Tilmaan Dulmi”
Dadkaygow hargeysa waxan udoor bidnay een xamar u diidaynay
Dadku inay simaan bay ahayd oo la isku duub naado
Dulmi baase yimid iyo duudsi xaaraana
Dal balaadhsi bay nagu wadaan dariski fiicnaaye
Dulqaadkii badnaa bay nagu dul gooshaane
Waxay diidayeen shalay bay nagu dayaan maanta
Dawlad nimo maaha taniye waa gardaro darajo loo xidhaye
Dad baa lagu korinayaa duulna waa lumaye
Dan wadaagta beelu digasho weeyaane
Dacal iyo galbeed waataa cidi dayayn maanta
Dadkayagii duufaan ku helay waataa cidi daryeelayne
Dirrir bari ka di’i waayay baa loo digriyayaaye
Hay’adihii dadka caawinjiray bay naga dulqaateene
Digreetadii Cigaal waa kuway wada dareereene
Bal dayaay dalkayaga dayuurado kama dul haadaane
Digniin bay qabaan oo sooba dagi waaye
Doonyiyo maraakiib daaba hadalkooda
Dariiqyada lamari waabay dumayaane
waxba yaanan daahir lagu durkinin damacan soo jiraye
Waa lagu dam baamiye duqani daab ma soo rogo’e
Dibitee intii aan lahayn iyo wasiir dawlad lagu sheego
Dablahaa Hargesaa karoon oo yidhaa waar digtoonaada
Intaas oo dulmiyaan qabnaa daayin Eeboowe
Ooy waliba darxumo dheertahay iyo dacati hoosaade
Ducaan soo gudbine iyo dalabyo dhaadheere
Diwaan kaaga gali oo soo dadaji Eebow
“Duco”
Dulmigaa hargeysaad Eebow dibad usoo saar
Ha simaan dadkuye Eebow dawlad li’i keen
Ciidamada difaacana Eebow dayday ku wareeji
Guurtida darajadoodana Eebow caaqil daba jooji
Golahaa dulmiga lagu doortayna Eebow dumi dhamaanti
Dastuurkii la qoray Eebow horay u duugee
Xisbiyada dalkana Eebow doori magacooda
Dagaal ogayaal iyo Eebow ka yeel duul xumo u duula
Jeeroy dadku wada simaan Eebow dawladnimo laal
Dal balaadhsigu intuu socdana Eebow daahi ictiraafka
Darisba dariskii ku xiga Eebow dani uga buuxi
Reerahaa xumaha isku daajiyana kala dir Eebow
Ha kala daadatee Eebow soo dadaji damac qabiil
Darisba dariska ku xiga ha ku duulee Eebow dunbuqyo soo daadi
Dadka Awdal joogana Eebow diiri dhiigooda
Duubabkooda Eebow kayeel kuwo isku duuban
Difaacooda Eebow adkee maalinta dagaal
Danahooda ha raadsadaane Eebow damac ku abuur
Wixii laga duudsiyay Awdal Eebow dib ugu soo celi
Duceeyay duceeyay Eebowe anoo arjiga soo diri
Dab qabiil ku huri hargeysa ilaa daacadi timaado
Dadkayga Awdal kunoolowna ducadaa AAMIINT ku dara
Cabdale Farah Sigad

Monday, March 17, 2008

taariikhdii sayid maxamed cabdule xassan

Sayid Maxamed wuxu ku dhashay Markey taariikhdu ahayd 1855 guga la baxay ama la odhan jirey “Gobaysane”. Wuxuu ahaa gu’ barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay hanaqaad noqdeen. Wuxuuna ku dhashay balliga la yidhaahdo “Sacmadeeqo” oo (7) mayl u jira Buuhoodle, kana xiga dhanka waqooyi, guud ahaanna dalkaa waxaa loo yaqaan “Nugaal”. Hooyadiis waxa la odhan jirey Carra Seed Magan. Quraankana wuxuu ku bartay gurigoodii. Cilmigana wuxuu ku raacday xer fadhiji jirtey Nugaal; xarunteeduna ahayd dooxada la yidhaahdo Casuura iyo Yaheel.
Abbaaraha 1892 wuxu u kacay Marka iyo Madiina; waxay israaceen 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen, laba gu’ iyo dheeraad bay Maka iyo Madiina ku maqnaayeen; 1895kii ayaa Sayid Maxamed ku soo noqday dhulka Soomaaliya, wuxuuna ka soo degey xeerbta magaalada Berbera oo markaa muslin iyo gaalba aad loo deggenaa.
Waxa la yidhi markuu Sayid Maxamed doonniduu la socday ka soo degey ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda cashuur inuu bixiyo. Wuxuu ugu afceliyey “Adiga ayaa cashuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay” dabadeedna afceliyihii baa ku yidhi gaalkii “ waa wadaad waalane inaga daa” sidaa daraadeed waxa Ingiriisku ku magaacay wadaadkii waallaa. (Mad Mullah)
Dagaalkii ugu horreeyey
1900kii ayaa Ingiriisku col lixaad leh soo qalqaaliyey si loo damiyo dabka halkaas ka baxayaa intaanu dhulka ku fidin, haddaba xabaddii maalintaa la ridey waxay dhacaysay 20 gu’ iyo intii u dhexaysay. Inta la hubo ama ay taariikhdooda la hayo, 41 gooboodbay ingiriiska ku kulmeen, kuwii ugu waaweynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxa ka mid ahaa kuwan.
Magaca dagaalka taariikhda uu dhacay
Afbakayle 03 – 05 - 1901
Fadhiddin 16 – 07 - 1901
Beerdhiga 10 – 08 – 1902
Cagaarweyne 17 – 04 – 1903
Daratoole 18 – 04 – 1903
Jidbaale 10 – 01 – 1904
Ruuga 09 – 10 – 1913
Dayuuraddii – 01 – 1919

Saturday, March 15, 2008

taagan daba dheer talo maxaad u haysaa

January 20, 2007
Ka Dhiibo Fikraddaada: Taagan Daba Dheer Talo Maxaad u Haysaa???
By By aAbdinassir Hassan Tukalle
Bari barkhadeed oo baryaha kamid ah, ayaan waxaan lakulmay dabagaale dabaaldagaya, oo dabaaldagiisa la moodo inuu doog u soobaxayiyo, daldalaayo jaleelo iyo bakayle barooranaya, oo baroortiisa la moodo inuu bahal bawdada haysto.

Hadaba dabagaalahaa iyo bakaylahaa waxa ay ku sugnaayeen deegaan qudha, darisna ayaga ayaa isugu xigay, habar dugaag oo idil, dareenkooduna waxa uu ka tur jumaaayay qadiyada bahdooda, laakiin waxa ay u kala arkayeen labba dhinac oo kala gaar ah oo ay u dhaxayso masaafo aad u kala durugsan, oo lamida tan cirka iyo dhulka. Maxaa yeelay mid baroor ayaa u taalay kan kalana waxaa uuba ku jiray dabaaldag iyo feesto.
Hadaba waxaan goostay inaan bal wax ka ogaado arimahan u dhexeeya iyo waxa uu yahay farqigan soo kala dhexgalay. Maxaa yeelay inta ishu ay wax arkayso afkuna aamusimaayo. Sikastaba arin ha ahaadee waxaan ku bilaabay waydiintii sidan Heedhe habar dugaageey Halbaan idin su aalaye Hawshu maata saytahay, Halkeebay maraysaa?
Hididiiladiin iyo Hamigiinii dheeraa,Bakaylahaan hardamayee Hooga sheeganaayeeIs hiifaaya kaligii
Iyo dabagaalahaan heestiyoCiyaar iyo hambalyada gudoomeeHeerka sheeganaayiyoHawlahaanu waa maxayiyo hadafkan kala duwan?
Hoosiisku waa maxay?Heedhe habar dugaageeyAaway wadajirkiin iyo Horumarkiinii dheeraa?
Markaan itaa idhi ayaa waxaa hadalkii labooday bakaylihii, waxaa uuna ibilaabay inuu ii dul maro waxa uu la barooranaayo iyo waxa uu tabaayo, markaa ayuu waxa uu hadalkii kubilaabay siddan: Bulshaaloow inaadeer Bari hore wixii dhacay Balalk iyo baroortaanAan kuu bilaabeeBarbarkayga soo raac
Bulshaalaw inaadeer Bahdeenii iyo Boqoradii dadkeenaba Bunduqbaa idleeyooBaaba weeye gabigeed
Buurha barbaa galayBarna berriga dhaafyooBadahuu ku noolyhay,
Barbaa bacaleeladoodii Iyo baladkoodii laga gubay Bismilaystay oo dagay
Barbaa barkastaba aduunyada Inta ay ku baaheenWali baafin lagu helin
Barbaa cadawgii bislaystoo Boqontooda jarayooBooyaaya kaligood
Barbaa bacadkiyo kulaylaha Barkhad looga dhigayoo Wali aan baraarugin
Barbaa saamigoodii beelnimo Bilaash looga dirayooBaaxad soore beegsaday
Barbaa siyaasada ku biiroo Wargaysyadu bislaysteenOoy been ka qorayaan
Barbaa bahalka Iyo horrorkii Baladkeena gubi jirayBeen uu u sheegoo Barbarkiisa soomaray
Barna waysagaanInta soo baraarugayBilaabaaya sheekadan iyo bogagan maasada
Ee bulshaalaw inaa deerIntaa soo badxiranaa Bulshadayda haystoo Aan labooyayaa wali
Bulshaaloow ina adeerArintaan bal ila arag Yaa beenta sheegooBeeshii danteediyo Balantiiba dacal maray Markii aan arkay dhagahayguna makhraatiga ka noqdeen, waxa ay beesha iyo bakaylaba soo mareen, waan ugaraabay, waxaanan idhi sidan: Hanad yahow halyaygaa Hoogbaa ku soo marayIyo hadimo xoog badan
Hubaashiina waxaad tahayHiil iyo nin hooloo Beeshana u hagar baxa
Himiladaada guushiyoHadafkaaga aayahay Hiigso gaari doontideWaligaa hasii dayn Marka itaa ay afkayga soo dhaaftay, ayaa waxaa hadalkii qaatay dabagaale oo la yaaban sida aan ugu qashuuqay ninkan iyo durdaba sidaan ugu itiqaadiyey halyayga. Waxaase laydhi labba kala bariday kala warla, dabagaalena waxa uu isguna soo bandhigay sida uu qabo oo ay doodiisu tahay, waxaana uu doodiisii ku bilaabay sidan: Doodaadu dheeraa Dareenkaagu adagaaBakayle yahaw dayaysaniDulucdaadii hoos iyo Doodiyo dareenkii Soodaysay adiguyeBalaan kuu dulmaro taydana
Dalsan baan ku noolahayIyo dagal iftiinlooDimuquraadi baan ahayDalkaa aan duljooganaDarajaan ku leeyahayIyo duunya fara badan,
Dookhaygu kuu raboDadka aan u jecelahay Waa dooran karayaa,Iskadaa ragaygee Dumarkaygu waa madaxOo waan dooran karayaa
Damaciyo dagaal iyo Dulmi layska daayoo Dastuurkaa nakala hagaDariskayga oo idil Anaa layga doorbidayOo lay dalxiisaa
Calankayga doogaaWali hoos umuu daginOo tawxiidkaan ku daabacayYaan ku daalin doodeeBalse ugu danbayntiiWaxa aan ku soo dumay,
Deeqa way ir maantahay Doobigaygii waan culayDanbar baan ka maalaa,Dadka meesha joogana Anigaa u door roon Oo nin la doortay baan ahay
Danaboow inaadeer Danta beeshu waa sidanOo waa wax loo dabaal dago,Ee danaboow inaa deer Bakaylahan dayaysaniYuusan dawga kaa lumin Anigoo markii hore ku kalsoonaa inaan kala guri doono oo aan xal u heli doono dooda iyo kala duwanaashaha dabagaale iyo bakayle, ayaan waxaan xaqiisaday in arinku u baahan yahay waxgarad iyo waaya arag aad ugu dhuun daloola xal u helista afkaarta is khilaafsan ee dabagaale iyo bakayle. Sidaa awgeed ayaan waxan goostay inaan u soo bandhigo cid kasta oo danaynaysa xal u helista khilaafkan iyo kuwa qarsoonba. Waxaanan ku raja waynahay inaan heli doono talo iga qan cisa wax yaalahan iyo arinkanba. Abdinassir hassan tukalle
Email: abdinassir2@hotmail.com